Hub iyo gaadiid Dagaal oo lagu qabsaday Weerarkii Janaay Cabdalle oo lasoo bandhigay (Sawirro_

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo talaadii ku qaaday xero ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Janaay Cabadalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa Al Shabaab ugu suurto gashay in ay gudaha u galaan xerada ciidanka ku sugnaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho oo labada dhinac kala gaaray.

Al Shabaab ayaana soo bandhigtay sawirro ay kasoo qaadeen xerada ciidanka oo ku dhax sugan yihiin dagaalyahanadooda, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dagaalka ku qabsadeen.

Sawirada Al Shabaab baahiyeen ayaa sidoo kale laga arkayay labo askari oo katirsanaa ciidankii xerada ku sugnaa oo nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale kooxda Al Shabaab soo bandhigeen sawirada askar ay weerarka ku dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -