Siyaasiyiin iyo dad dano gaar ah leh oo shacabka Soomaaliyeed Walaac ku abuuray !!

Walaac ayaa ku abuurmay dad badan oo ku qanacsanaa Madaxda Qaranka iyo sida ay wax u socdaan kadib markii la arkay qoraalka Jariiradda The Nation oo soo xiganaysa Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya kaasoo sheegay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomalaiya inuu kala hadlay  sidii ay dowladda Soomaaliya uga laaban laheyd  dacwada muranka dhinaca Badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya kasoo Maxkmadda yaala.

Safiirka ayaa Jariiradda Nation u sheegay sida ay dowladda Mareykanku u dooneyso in muranka Badda ee u dhexeeya Soomalaliya iyo Kenya si hoose loogu dhameeyo, waxa uuna safiirku intaa ku daray in Madxweyne Farmaajo iyo Kenyata ay dhameeyaan khilaafka dhinaca Badda ee ay isku hayaan si meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dadka walaacsan ayaa doonaya si ay u qancaan in Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha ama Ra’iisul Wsaaraha ay ka hadlaan hadalka ka soo yeeray Safiirka Mareykanka ee Kenya, waxayna dadkaasi dhaliileen oo ay saluugeen naqdinta ka soo yeertay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isagu eed aaney laheyn kala dul dhacay Jariiradii Safiirka Wareysatay.

Waxa arinta sii kiciyey oo shacabka walaac kusii abuuray dad badan oo isugu jira kuwo dano gaar ah ka leh arintan iyo kuwo kale oo ay daacad ka tahay oo canbaareyn iyo eed aan loo meel deyin kala dul dhacay madaxda dalka siiba Madaxweynaha oo ay ka doonayeen inuu markiiba gaashaanka u daruuro qoraalka safiirka Mareykanka oo sheegay inuu kula kulmay Magaalada Muqdisho.

Marka loo dhabagalo imaatinka safiirka Mareykanka ee Kenya ee Magaalada Muqdisho iyo la kulanka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku cadaadiyey inuu ogolaado in kiiska Badda ee yaala Maxkamadda Aduunka lagala soo laabto si labada dowladood (Somalia iyo Kenya) uga  wada hadlaan si hoose, waxaa laga joogaa   sedax bil waxayna ku beegneyd Jully 2019, waxaana xusid mudan in wareysiga safiirka aaney  ku jirin in Madaweyne Farmaajo  qorshihiisa  ka ogolaaday iyo inuu ku diidey labadana.

 Waxaa arimahaas isku fuuqsaday oo cadeeyey mowqifka dowladda oo wax kama jiraan ku tilmaamaya hadalka Safiirka khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyey bil ka hor Fadhiga Golaha Guud ee loo dhan yahay taasoo uu ku sheegay in aaney  marna ogolaaneyn in si hoose muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya looga wada hadlo, waxa uuna  intaa ku daray Madaxweyne Farmaajo in Soomaaliya ay ku qanacsan tahay go’aanka Maxkamadda kiisku hadda hor yaalo kaasoo la ogyahay xitaa in aanu Racfaan laheyn.

Dadka waxaa dhiiga ku kacay oo madaxoodii majaha u rogey oo shaki badan ku dhaliyey Wareysiga Safiirka oo Doraad ku beegnaa, waxeyna u qaateen in  kulanka Safiirka Mareykanka ee Kenya iyo Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Wareysigu yihiin Maalmo isu dhow.

Waxa shaki bax ku filan socdaalkii Horraantii bishii maarso ee sanadkan ee Adis-Ababa uu ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, markiiba waxaa Madaxweynaha  loo soo kexeeyey Kenya si ay u wada hadlaan Kenyata oo ay u xaliyaan khilaafka hareeyey labada dal, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu madashaas ku ogolaaday inuu Uhuru kala hadlayo wax walba oo ay labada dal isku hayaan oo uu xitaa tanaasul ka sameynayo wax badan marka laga reebo kiiska Badda oo hadda yaala waxa loogu yeero Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Marka laga yimaado is jiidjiidka siyaasiyiinta Soomaalida oo midba midka kale karkaarka doonayo inuu weydaariyo (ka saaro saaxada siyaasadda soomaaliya) waxaa marag ma doonto ah in kiiska muranka  Badda ee Kenya nagala dhexeeya door fiican oo Soomaalinimo ah laga ciyaaray, masuuliyadda ugu weynna wxay hadda saaran tahay dowladda hadda shaqeysa ee uu madaxda u yahay Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kiiska Maxkamaddu waa gebagebo,  waxaa dhiman hal dhegeysi oo ku beegan June sanadka 2020, labada wadan Soomaliya iyo Kenya kiiba waxaa Qareenadooda la dhegeysan doonaa 4 saacdood, Augustana waxaa la quuddareynayaa inuu go’aanka kama danbeysta ahi soo baxo, Gebagebadii waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed walaaca joojiya, dowlednimo ayaa idin deeqda ee iskarow kan leexada leh.

WQ. Cadinaasir Xersi Iidle.

Naasirx1@gmail.com.

00252-615503978.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -