Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Talaabo ay uga aargudanayaan Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn saameyn badan yeelatay kusoo rogay dalka Turkiga kadib markii dowlada dalkaasi ay diiday in ay xabsiga kasii deyso Baadari Mareykanka u dhashay oo ku xiran dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaadayo talaabo aargudasho ah uuna canaqabateyn adag kusoo rogi doono badeecooyinka ka yimaada dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa Elektaroonika .

”Mareykanka hadii ay heestaanĀ Ā iPhone, waxaa dhanka kale suuqa yaala Sansung” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga xili uu ka hadlayay Telfoonada ay shirkada Apple soo saarto oo si weyn loogu suuq keeno dalka Turkiga.

Erdogan ayaaĀ  sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay hagardaamooyinka cadawga.

Cunaqabateynta dowlada Mareykanka kusoo rogtay dalka Turkiga ayaa keentayĀ lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacdo 34%, waxaana sicirkoodu sare u kacay badeecadaha kala duwan ee Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -