Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo doortay Gudoomiye horey loo sii ogaa

Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayeyn aheyn mid sidaa u xiiso badan, waxaana inta badan lasii ogaa shaqsiga loo dooran doono in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Safiirkii Soomaaliya ee Midowga Yurub. Cali Saciid Fiqi ayaa loo doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa uuna ka guuleestay musharax kale oo la tilmaamay in uu ahaa malxiis .

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa helay 84-Cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 2-cod kaliya, waxaana halaabay 8 cod sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha guddiga doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -