Maxaa looga hadlay kulan xasaasi ah oo dhexmaray Wakiilka QM ee Somalia & danjiraha Imaaraadka?

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating ayaa kulan xasaasi ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi sida ay faafisay Wakaalada wararka WAM ee dalka Imaaraadka.

Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Imaaradku ku leeyahay Muqdisho ayaa waxaa looga xaajooday xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada wadajirka ah ee Soomaaliya.

Sidii loo kordhin lahaa shaqo abuurka loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, ammaanka dalka, xasiloonida, Horumarka, iyo xaaladda bini’aadanimo ayaa sidoo kale kulankaas looga hadlay.

Keating ayaa ammaanay dadaalka Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan booqashadiisa isagoo muujiyay sida uu u xoojiyay xiriirka iskaashiga ah ee u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka.

Wakiilka QM ee Somalia ayaan looga baran inuu kulamo gaar ah la yeesho safiirada dalalka caalamka u jooga Somalia, wuxuuna kulankan ku soo aadayaa xili dowlada Imaaraadka lagu eedeeynayey mudooyinkan iney iska horkeeneyso dowlada Somalia iyo maamul goboleedyada dalka, ayna taageero maaliyadeed siiso siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Arintan ayaa timid ka dib markii dowlada Somalia ay diiday cadaadis uga yimid dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ahaa iney ka laabato go’aanka dhexdhexaadka ah ee ay ka qaadatay khilaafka dalka khaliijka, ayna xiriirka u jarto dowlada Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -