Taliyaal dowlada Somalia u magacawday Jubbaland oo lagu xiray Garoonka Kismaayo (Daawo Sawirada)

Ciidanka Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxa ay ku xireen Taliyaal dowlada Federaalka Soomaaliya u magacawday ciidanka Nabad sugida maamulka Jubbaland.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa lagu xiray Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha ciidanka NISA dowlada Soomaaliya ugu magacawday maamulka Jubbaland  iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Labadan sargaal ayaa caawa ku xiran garoonka magaalada Kismaayo waxaana beri la filayaa in maamulka Jubbaland saraakiishan usoo musaafuriyaan dhinaca magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen.

Sida aan Wararka ku heleyno maamulka Jubbaland ayaa ka careesan taliyaashan dowlada Federaalka Soomaaliya usoo magacawday Jubbaland, waxa ayna Jubbaland horey u sheegtay in aan lagala tashan Taliyaal dowlada usoo magacawday deegaanada ay maamusho.

Maamulka Jubbaland ayaa horey magaalada Kismaayo uga celisay taliyaal dowlada Soomaaliya u magacawday ciidanka Milatariga ee ku sugan deegaanada Jubbaland, waxa ayna taliyaashaasi markii dambe ka dageen magaalada Garbahaarey ee xarunta maamulka Jubbaland.

Xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa noqday mid aan wanaagsaneyn, waxaana marar badan guul dareestay dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo tabashada maamulka Jubbaland ee ka tabaneyso dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -