Buundo kutaala Talyaaniga oo soo duntay iyo dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

Buundo weyn oo kutaala magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga ayaa soo duntay xili ay gaadiid badan dul marayeen, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 35-qof ayaa ku dhuntay buundadan soo duntay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oon tiradooda la shaacin, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay kasii badato inta hada la ogyahay.

Buundada oo dhulka u jirta in ka badan boqol mitir ayaa soo duntay xili ay gaadiid badan dul marayeen, waxaana mar qura la arkay buundada oo si xoogan usoo duntay ayna kasii daadanayaan gaadiidkii xiligaasi dul marayay .

Kooxaha gurmadkla deg dega ah ayaa gaaray halka ay mashaqadan ka dhacday, waxaana wararka ay baahinayaan Warbaahinta Talyaaniga ku waramayaan in dad nool laga soo saaray bur burka hoostiisa.

Madax katirsan dowlada Talyaaniga ayaa durba gaaray buundada soo duntay si ay usoo arkaan dhibaatada inta ay la egtahay , waxaana wali socda gurmad deg deg ah oo loo fidinayo dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay buundada soo duntay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -