Allbanaadir.com
NEWS

Saldhig ciidan oo laga qabsaday ciidamada Somaliland iyo Dagaal culus oo ka socda Laascaanood

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka socda dhoor jiho oo katirsan magaalada, dagaalka ayaana la sheegay in uu ka culus yahay kuwii maalmihii lasoo dhaafay socday.

Ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa wararku sheegayaan in guulo ka gaareen dagaalka maanta ka socda magaalada , waxa ayna la wareegeen goobo hor leh ay joogeen ciidamada taabacsan maamulka Somaliland.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dadka deegaanka Laascaanood ayaa dagaal kula wareegay saldhiggii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland kaga sugnaayeen Laascaanood, gaar ahaan saldhiggii iyo girigii uu joogay taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool Jen, Mahad Cambaashe.

Saldhigga ayaa ciidankii qabsaday iyo dadka deegaanka ku qabsadeen hub kala duwan oo isugu jiray kuwa culus iyo kuwa fudud, waxaana xaalada magaalada maanta ka duwan tahay sidii maalmihii hore aheyd.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in wali ixtiraamayaan xabbad joojintii ay ku dhawaaqeen, waxa ayna sheegeen in saakay weerar lagu soo qaaday saldhig ay ciidankooda ka joogeen magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qaadkii ugu badnaa oo lagu gubay fagaare ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni & wafdi uu horkacayey Mr. Gregory Kasunko oo ka wada hadlay…

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo cusub oo ku soo fool leh marinka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---