Ciyaal Weero Dhibaato geestay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidanka booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Dayniile ayaa gacanta kusoo dhigay  afar wiil oo kamid ah ciyaal-weerada ee ka howlgala xaafado katirsan degmada Dayniile, kuwaa oo la sheegay in shacabka dhibaato ku hayeen.

Ciyaalkan weerada ay booliiska gacanta kusoo dhigeen ayaa la sheegay in ay dhaawac u geesteen muwaadin degnaa degmadaasi, waxaana la sheegay in mindiyo iyo agabyo kale ay wateen ku dhaawaceen.

War kasoo baxay booliiska ayaana lagu sheegay in ciyaalkan weerada hadda ku xiran yihiin saldhigga booliiska degmada Dayniile, waxa ayna booliiska wali wadaan raadinta ciyaal weero kale oo dhibaato badan ku haya Dayniile iyo degmooyin kalanba.

Howlgalkan booliiska kusoo qabteen ciyaalka weerarada ayaa imaanaya xilli Al Shabaab shalay ku hanjabeen in tallaano adag ka qaadi doonaan ciyaalka weerada ee ka howlgala qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -