Qorsho lagu dhisi lahaa xisbi weyn oo ay yeelanayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa fashil qarka u saaran, kaddib markii la isku qabsaday hoggaaminta xisbiga .
Xisbiga Caddaaladda ayaa la sheegay in ay ku mideysan yihiin madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, hasa ahaatee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa diidan habka awood qeybsiga xisbiga iyo hannaanka loo dhisayo xisbiga.
Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray kula taliyay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu ka tanaasulo hoggaaminta xisbiga Caddaaladda ee la dhisayo , sababna u noqdo in la qanciyo Madaxweyne Laftagareen.
Halkan ka akhriso qoraalka uu Fahad kula taliyay Xamse Barre.
𝐓𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐐𝐓𝐈𝐆𝐄𝐄𝐃𝐈𝐈 𝐓𝐀𝐀𝐆𝐀𝐍
𝐊𝐔: 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞
” Waligaaba waa tii aad deeqsi iyo daacad aad u ahayd Madaxweyne Xasan. Waa tii aad sadaqo siyaasadeed oo badan hore u bixisay, oo aadba gaartay inaad ka tanaasusho awoodda xafiiskaaga. Waa tii aad mudiica u ahayd Madaxweynaha.
Adiga oo eegaya duruufta qallafsan ee uu maanta ku dhex jiro Madaxweyne Xasan, waxaan kugula talinayaa in aad ka tanaasusho Guddoomiyaha Xisbiga weyn ee haddeer la dhisayo, si loo qanciyo Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Ajar iyo xasanaad baan kuugu duceynayaa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com