(Daawo Sawirro) Qaadkii ugu badnaa oo lagu gubay fagaare ku yaalla Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta fagaaro ku yaalla Saldhiga  degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho  ku gubay Qaad fara badan oo jawaano ka buuxay.

Qaadkan oo la sheegay in sifo sharci daro ah lagu soo geliyey dalka ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Muqdisho, waana kii ugu badnaa ee meel fagaare ah lagu gubo tan iyo markii DF joojisay qaadka Kenya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay gubeen Qaad cadadkiisu ahaa 265 Jawaan oo dhowaan la soo qabtay.

Sadiiq Aadan Cali ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan Lix gaari iyo shan doomood oo qaadka lagu keenay, isagoo digniina u diray ganacsatada Jaadka keena Magaalada Muqdisho.

Qaadka maanta la gubay ayaa la sheegay in laga keenay dalka Kenya, waxaana soo qaaday doonyo si dhuumaaleysi ahkaga soo dejiya xeebaha Muqdisho ku dhow.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan fasaxday Qaadka laga keeno dalka Itoobiya oo haatan laga soo dejiyo garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -