Wasiir Axmed Xasan oo Golaha Shacabka ka codsaday meel marinta Sharci uu horgeeyay (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa fadhga golaha la wadaagay faahfaahin iyo sharaxaad ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharciga, meelaha ugu muhiimsan ee wax laga badalay iyo sabaha keenay in wax kabadal lagu sameeyo sharcigan.

Wasiirka ayaa yiri “Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (8) Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim horumarinta iyo maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliya islamarkaana dalka u horseedaya in si hufan loo maamulo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.

- Advertisement -