(Sawirro) Deni & wafdi uu horkacayey Mr. Gregory Kasunko oo ka wada hadlay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Bankigga Adduunka oo uu hoggaaminayo Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda Gregory Kasunko.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Masuuliyiinta Maamulka ee wadashaqeynta la leh Bankiga Adduunka.

Waxaa looga hadlay kulanka dardagelinta Mashaariicda Bankiga Adduunku uu ka wado Puntland iyo sidii mashaariic cusub looga hirgelin lahaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahad celiyey Bankiga Adduunka mashaariicda ay ka wadaan degaanada Puntland, wuxuuna xusay iney ka maamul ahaan xoojinayaan kaalinta kaga aadan hirgelinta mashaariicdaas.

Gregory Kasunko ayaa isna sheegay in Bankiga Adduunka uu sii wadayo mashaariicda uu wado Somalia gaar ahaan Puntland, ayna had iyo jeer u taagan yihiin iney shacabka Soomaaliyeed ka taageeraan dhinaca horumarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -