Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xildhibaano kasoo jeeda Hal beel oo saakay gaaray magaalada Xarardheere (Sawirro)

Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saakay gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxa ayna halkaasi kula kulmeen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka dowladda.

Xildhibaanada saakay gaaray magaalada Xarardheere oo kasoo jeeda beesha Ceyr ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud, Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar Cabdixakiin Macallin Axmed iyo masuuliyiin kale .

Xubnahan gaaray magaalada Xarardheere ayaa horey usii maray degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Mudug, waxa ayna xildhibaanadan u kuurgalayeen xaaladaha ka jira deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab laga saaray.

Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa xildhibaanada gaaray Xarardheere soo dhaweeyay, waxa uuna taliyaha xildhibaanada geeyay farriisimaha ciidabka dowladda iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin Xarardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi ka shaqeenaya kordhinta muddo xileedka dowladda oo shir ku yeeshay Muqdisho

Cabdi Cade

Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay iyo Muuse Biixi oo xariga ka jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin dhowaan hooyadii ku dilay Magaalada Wajeer oo caawa geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---