Allbanaadir.com
NEWS

Tuug Biskoolad caag ah iyo Baangad dadka ku dhacayay oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin burcad ah oo shacabka dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay.

Ninkan ciidamada booliiska qabteen ayaa watay biskoolad caag ah iyo sidoo kale baangad uu dadka ku dhacayay, waxaana booliiska sheegeen in ninkan xilliga la qabanayay ku howlanaa fal burcadnimo ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayey ku sheegeen in ciidamada baadigoob ugu jiraan nin kale oo burcad ah oo la socday ninkan la qabtay, kaa oo la sheegay in uu baxsaday.

Kooxaha burcada hubeesan ee dhaca u geesta dadka shacabka ayaa muddooyinkan kusoo badanayay magaalaada Muqdisho iyo duleedkeeda, booliiska ayaana ku guuleestay marar badan soo qabashada burcada hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay xiisadii colaadeed ee saaka ka jirtay Magaalada Garoowe?

Caydiid Ali

C/raxmaan Cali Xuseen oo isku soo dhiibay Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax khasaare u geystay shacab oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---