James Swan oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

Guddoomiyaha iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska xogwareystay Amniga, siyaasadda guud ee dalka, horumarinta iyo arrimaha gargaarka.

Danjire James ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Mashaariicda ay ku taageeraan bulshada Caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku ay ku bixinayaan horumarinta iyo sugidda amniga Caasimadda, xal u helista arrimaha barakacaayasha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, dariseynta iyo dib u heshiisiinta oo dhammaantood laga gaaray guulo la taaban karo.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeynayaan Wakiil James Swan arrimaha loo egmaday ee hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha ku qotoma xasilinta dalka iyo horumarintiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -