Maxaa ka jira in gaari uu leeyahay Wasiir Abshir Haruuse u gacan galay kooxda Al Shabaab

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyay warar sheegayay in gaari uu leeyahay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) uu u gacan galay Al Shabaab.

Wariyaal baraha bulshada wax ku qora ayaa baahiyay in gaari nuuca Hilux-ta loo yaqaan uu leeyahay wasiirka arrimaha dibadda uu u gacan galay Al Shabaab, kaddib markii uu gaarigaasi la goostay darawalkii waday.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray ku beeniyay warka sheegaya in gaari uu leeyahay u gacan galay Al Shabaab, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay been abuur iyo jahwareerin.

“𝗪𝗔𝗫𝗔𝗔𝗡 𝗨𝗠𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗 𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗡𝗔𝗬𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗔𝗔𝗡𝗨 𝗝𝗜𝗥𝗜𝗡 𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗜𝗗 𝗔𝗔𝗡 𝗟𝗘𝗘𝗬𝗔𝗛𝗔𝗬 𝗔𝗠𝗔 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗔𝗥𝗥𝗜𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗗𝗜𝗕𝗘𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗟𝗘𝗘𝗗𝗔𝗛𝗔𝗬 𝗢𝗢 𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗤𝗔𝗡 𝗚𝗔𝗖𝗔𝗡𝗧𝗔𝗬𝗗𝗔 𝗔𝗠𝗔 𝗨 𝗚𝗔𝗟𝗔𝗬 𝗔𝗟𝗦𝗛𝗔𝗕𝗔𝗕. 𝗪𝗔𝗥𝗞𝗔 𝗔𝗥𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔𝗔𝗦 𝗟𝗔 𝗫𝗜𝗥𝗜𝗜𝗥𝗔 𝗘𝗘 𝗕𝗔𝗥𝗔𝗛𝗔 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗙𝗔𝗔𝗙𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗪𝗔𝗔 𝗕𝗘𝗘𝗡 𝗔𝗕𝗨𝗨𝗥 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗝𝗔𝗔𝗛𝗪𝗔𝗥𝗘𝗘𝗥𝗜𝗡𝗔𝗬𝗢 𝗨𝗠𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗.” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Warkan ayaa imaanaya xilli ay horey xubno darawalo iyo shaqaale ugu ahaa masuuliyiin katirsan dowladda ugu goosteen Al Shabaab, waxaana dad badan xasuustaan darawalkii gaarka ahaa ee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Mursal oo ku biiray Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -