Wafdi ka socday Masar oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabiley wafdi balaaran oo uu hogaaminayey wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo qunsulka safaarada masar ee Soomaaliya Taamir Safwat.

Wafdigaan balaaran ee  gaaray Puntland ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka socotey Wasaaradda beeraha ee dalka Masar, kuwaas oo uu kamid ahaayeen Madaxa mashaariicda  beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur- Khabiir Biyaha iyo Deegaanka.

Madaxweynah Puntland oo kulan gaar kula qaatay xafiiskisa wafdigaasi marka ay soo gaareen qasriga madaxtooyada, ayaa kulankaas waxaa kala qayb galay Wasiirka Deegaanka Puntland, Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Qunsulka Dawladda Masar ee Soomaaliya mudane Taamir Safwat ayaa uga mahad naqay Puntland sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay caasimada Puntland islamar ahaantaana sheegay inuu salaan uga wado dawladdiisa Madxweynaha Puntland, sidoo kalana sheegay in Dawladda Masar ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic horu marineed Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin horu marinta beeraha, daaweynta xoolaha, Kawaano casriya, biyo xireeno, taba baro iyo waxbarshada beeraha.

Dhinaca Kale Madxweynha Puntaland  ayaa uga mahadnaqey qunsulka Dawladda masar iyo masuuliyiinti kale ee ka socotay Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar booqashada ay ku yimaadeen Puntland, sidoo kalena tilmaamey in Puntland ay Dawladda Masar iyo wasaaradda beeraha ee dalkaasi Masarba ay ku soo dhaweenayaan maal gashiga Puntland iyo horu marinta  wax soo saarka Beeraha Puntland, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer guuraaga iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qunsulka Dawladda Masar iyo wafdigii la socdey ee ka socdey Wasaaradda Beeraha ee Masar kula dar daarmey iney Puntland wax kala qabtaan nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, daaweynta iyo nafa qeynta xoolaha, ka hortaga abaaraha iyo sidii mar kasta dadka abaaruhu aafeeyaan loogu gurman lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -