Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Somaliland oo Duullaan dhoor jiho ah saakay ku qaaday Laascaanood iyo Dagaal…

Ciidamada maamulka Somaliland oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa saakay duullaan culus oo dhoor jiho ah ku qaaday magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Somaliland ayaa saakay qorsheeyay in ay si buuxda ula wareegaan magaalada Laascaanood, waxa ayna magaaladaasi ciidamada salaadii subax kaddib ku qaadeen weerar culus oo dhowr jiho ah.

Ciidamada deegaanka ayaana wararku sheegayaan in ay iska caabin xooggan kala hortageen ciidamada Somaliland ee duullaanka soo qaaday, waxaana dagaalo culus ka socdaan qeybo kamid ah magaalada iyo duleedkeeda.

Madaafiic xooggan ayey sidoo kale ciidamada Somaliland ku garaacayaan qeybo kamid ah magaalada Laascaanood, waxa ayna saraakiisa ciidamada Somaliland hoggaamineysa doonayaan in maanta la wareegaan magaalada Laascaanood.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday abaabul xooggan ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Laascaanood, waxaana rabitaanka Somaliland hor taagan ciidamada deegaanka oo difaacanaya gacan ku heynta magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay Warar si weyn loo faafiyay

Cabdi Cade

Xamse Barre oo sheegay arrin Somalia ay ka gaartay heerkii ugu sareeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---