Soomaaliya iyo Itoobiya oo kawada hadlay Xal u helida Caqabado jira iyo Iskaashi Cusub oo dhax mara

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi  ayaa wuxu kulan doceed la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi Mudane Axmed Shide, dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhex-galka Gobalka Mr. Gebremeskel Chala .
Kulanka uu la yeeshay Wasiir Jibriil wasiirradan katirsan xukuumadda dalka Itoobiya ayaa waxa ay kaga wada hadleen  iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha oo dhax mara dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiiradda labada dal ayaa waxay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal, fududeynta iyo yareynta caqabadaha ganacsiga iskaga gudba xuduudaha oo ganacsatada Soomaalidu dhib kala kulmi jirtay inay wax u dhoofiyaan gudaha dalka Itoobiya, wax-is-dhaafsiga badeecadaha kala duwan ee labada dal sida Kaluunka iyo Kofeega.
Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay dhammeystirka heshiis ganacsi oo rasmi ah oo mustaqbalka dhex mara dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo horey heshiisyo dhoor ah oon miro dhalin dhax maray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -