Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo Jaamacad ka dhiganeysay Masar oo gurigeeda lagu dhax dilay

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa lagu dilay gabar Soomaaliyeed oo wax ka dhiganeysay jaamacad kutaalla dalkaasi, waxaana la sheegay in gabadhan uu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Caasho Abuukar Ibraahim oo ka baxday Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho, haddana ku jirtay jaamacad kutaalla Masar ay dooneysay in ay ka qaadato shahaadada heerka labaad ee mastarka ayaa lagu dhax dilay guriga ay degneed.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gabadhan uu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oon magaciisa la shaacin, walina lama oga sababta keentay dilka uu gabadhan u geestay muwaadinka kale ee Soomaaliyeed.

Booliiska magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ruuxii dilka geestay, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka ayna dib ka faahfaahin doonaan natiijada baarista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo kamid ah Musharaxiintii u taagneyd Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo tanaasulay

Cabdi Cade

War Deg Deg : Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo goordhaw Shir Jaraa’id wada qabtay

Cabdi Cade

Al-Sisi oo gaaray Asmara & shir sadex geesood ah oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---