Maraykanka oo u goodiyey Itoobiya ka dib talaabadii ay ku eriday Shaqaalaha QM

Dowlada Maraykanka ayaa ka carootay talaabadii dowlada Itoobiya dalkeeda kaga ceyrisay howlwadeeno ka tirsan shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Mareykanka oo ku gooddiyay in Itoobiya cunaqabatayn lagu soo rogi doono go’aanka ay dalkeeda uga eryayso saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Itoobiya ayaa ilaa todoba howlwadeen oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ka ceyrisay dalkaas ka dib markii loo jaray warqada (Persona non Grata)

Xukuumada  Itoobiya ayaa ku eedeysay dadkan inay faraha la galeen arrimaha gudaha dalkeeda, sida lagu sheegay War rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumada RW Abiy Ahmed.

Todobada qof waxaa ku jira nin Soomaali ah oo la yiraahdo Siciid Maxamuud Xersi, kaasoo ah Isu Duwaha Howlaha Aadminnimada ee QM ugu qaybsan Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa ugu dambayn u qabatay dadkan inay 72 saac uga baxaan dalkaas, waxaana talaabadaas aan weli wax jawaab ah ka bixin Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -