Ruushka oo shaaciyay in Jawaab ku habboon siin doonaan dowladda Holland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonaan Go’aankii ay Dowladda The Netherlands ee ay ku dhimi doonto Tirada Diblomasiyiinta Raashiyaanka ku sugan dalkooda.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Raashiya waxaa lagu xusay inay Dowladda The Netherlands siin doonaan Jawaabta ku habboon ee Go’aankii ay ka qaateen Ergada Dibloomaasiyiinta Raashiya.

Shalay ayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka The Netherlands ku caddeeyern Go’aanka lagu yareynayo Tirada Diblomasiyiinta Raashiya ee la shaqeeya gudaha dalka NL

Warbaahinta The Netherlands Broadcasting Corporation ayaa soo werisay in 10 Dibloomaasi oo Raashiyaan ah la masaafurin doono muddo 2 isbuuc gudaheeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka The Netherlands waxay kaloo sheegtay inuu fashilmay Wada-xaajood ay Dowladda Raashiya ka lahaayeen taariikheynta muddada meeleynta Dibloomaasiyiinta Cusub.

Xiisadda Diblomaasiyadeed ee labada dal waxa uu laba kacleeyey, ladin, markii ay Dowladda Raashiya qaaday Hawlgalka Khaaska ee ay Milliterigooda ku galeen dalka Ukraine bishii February 24-dii ee sanadkii hore ee 2022-ka.

Xilligaasi, Dowladda The Netherlands waxay dalkeeda la cayrisay 17 Diblomasiyiin u dhashay Raashiya, iyadoo Fal-celinta Raashiya noqday inay 15 Diblomasiyiin u dhashay dalkaasi ku amartay inay si degdeg ugu laabtaan dalkooda Hooyo .

- Advertisement -