(Daawo) Dhaqtar uu dawo u doontay ayaa mugdi iyo rajo beel u bedelay Noloshiisa!

Muumin Axmed Ciise waa Soomaali 40 sano jir ah, Indhoole ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxaana uu leeyahay Xaas iyo dhowr caruur ah oo yar yar.

Dhibanaha waxaa uu sheegay in 10 sano ka hor uu ahaa qof si caadi ah wax u arka oo qoyskiisa iyo caruurtiisa u shaqeeya, uuna rooti ku iibin jiray Suuqyada Muqdisho qaarkood.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in noloshiisa ay isbedeshay markii ay ka dilaacday ishiisa Midig ka dib markii uu ku shubay Daawo markii dambe la ogaaday iney khalad aheyd oo uu dhaqtar u soo qoray.

“Isha kale ee bidixda ah iyana waxaa dul-fuulay Caad sababay aragti la’aan, waxaan kala garan karaa oo kaliya mugdiga habeenkii iyo iftiinka maalintii wax kale ma arki karo” ayuu yiri Muumin.

Waxaa uu intaa ku daray inuu booqday dhaqaatiir badan oo indhaha ku taqasusay ayna intooda badan u dheegeen indhihiisa wax looga qaban karo oo kaliya isbitaalo ku yaala dalka dibediisa oo dhaqaale ahaan uusan awoodin.

“Meel madow ayaan soo fariistay, aniga iyo ciyaalkeygana waxaan ku nool nahay guri buush ah oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho reeraha deriska ayaa mararka qaarkood inoo keena cunto yar oo aan nafta ku ceshano, habeenada qaarkoodna qatooyo ayaan ku seexanaa waa qadar ALLE waana ku qanacsanahay” ayuu intaa ku daray Muumin.

Xaaska caruurta u dhashay Muumin ayaa iyana sanado ka hor naafo ka noqotay dhabarka ka dib markii uu ku dhacay Cudurka TB-da haleesha lafaha, ma socon karto wax dhaqdhaqaaq ahna ma sameyn karto.

Isagoo joogay hoyga ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa waxaa uu sheegay Muumin inuu jeclaan lahaa mar labaad inuu arko isagoo caruurtiisa u shaqeysanaya ishiisa bidix arageedana dib u helay, wuxuuna xusay in dhaqaatiirtu u sheegeen inaan xaaladiisa waxba looga qaban karin dalka, uusana heysanin dhaqaale loogu qaado Caafimaad dalka Dibediisa ah.

“Waxaan ka codsanayaa walaalahey muslimiinta ah ee caalamka ku nool inta awoodi karta, sida ganacsatada, muxsiniinta, Jaaliyadaha dibeda iyo inta ILAAHAY wax siiyey iney ALLE dartii wax iigu qabtaan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Muumin oo wejigiisa ay ka muuqatay murugo  badan.

Walaalka muslimka ahow Haddii aad dooneyso inaad ILLAAHAY dartii u caawiso qoyska dhibane Muumin Axmed Ciise kala xiriir toos telefankan oo sidoo kale leh Whatsapp uu toos kaaga qanayo aabaha qoyskan +252-615406674 Muqdisho, Somali

HOOS KA DAAWO WARBIXIN KU SAABSAN XAALADA MUUMIN IYO QOYSKIISA

- Advertisement -