Haweeney Afrikaan ah oo Xildhibaan ka noqoneysa dal ka tirsan qaarada Asia

Baarlamaanka Pakistan ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay ay ka mid noqoto haweeney asal ahaan kasoo jeedo Afrika, taasoo oo sumcad u soo hoyneysa qowmiyada tirada yar saboolkana ah ee Sidi oo qarniyaal badan degganaa dalkaasi.

Tanzeela Qambrani, oo 39 jir ah ayaa xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ee (PPP), waxay u sharaxeen kursiga loo qoondeeyay haweenka ee baarlamaanka gobolka koonfur barri.

Haweeneydan ayaa rajeyneyso kaddib doorashadii bishii la soo dhaafay inay gacan ka geysato in laga gudbo dhaqanka qowmiyada Sidi ee ah in dumarku aysan xil qaban karin, qowmiyadaan Afrikaanka ah ayaana ku badan gobollada xeebta Makran iyo Sindh ee dalkaasi.

“Inaga oo ah qowmiyad tiro yar oo ku dhex luntay qowmiyado kale oo ka tira badan, ayaan u halgameynaa inaa ilaashano dhaqankeena iyo dhalashadeena Afrikanimo, balse waxaan sugeynaa maalinta magaca Sidi uu ixtiraam helayo, ayay tiri,” Qambrani, oo ah Afrikan asal ahaan kasoo jeeda Tanzania.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -