Wararkii ugu dambeeyey dayuurado duqeyn ka geystay gobolka Gedo

Dayuurado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa maanta duqeyn ka geystay degaano hoos yimaada gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday Tuulada Laan-qurac oo u dhaxeysa degmooyinka Ceelwaaq iyo Balad-xaawo oo ay ka arimiyaan xoogaga Al-shabaab.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in duqeynta ay ku dhinteen dad shacab ah oo uu ka mid ahaa nin ka tirsanaa odayaasha Tuulada duqeynta ay ka dhacday, halka ilaa Saddex  kale oo ay ku jiraan hooyo iyo ilmo yar ay soo gaareen dhaawacyo xooggan.

In ka badan 60 qoys oo xoolo dhaqato ah oo ka cabsi qabay waxyeelo ka soo gaarta duqeyntan ayaa ka firxaday degaanka inkastoo saacado ka dib markii ay joogsatay duqeynta ay halkaas ku soo laabteen.

Milateriga Kenya ee jooga Somalia iyo Maamulka Jubbaland ayaan wax faahfaahin ah ka bixin duqeyntan oo aan aheyn tii ugu horeysay nooceeda ah ee ka dhacda gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -