Saciid Ciise: “Haddii la dhaliilo Xassan Shiikh macnaheedu maaha Mucaaradnimo””

Hogaaminta Madaxweyne HSM aragtidiisa wanaagsan ee uu dalka ku hormarinayo waa waajib xaqa in lagu taageero, balse sidoo kale tilaabooyinka salka ku haya taloxumada, maamulxumada, iyo hogaanxumada waa in aan laga aamusin oo la iftiimiyo diidmadooda. Taas macnaheedu ma ahan mucaaradnimo looga soo horjeedo Madaxweyne HSM oo talada dalka haya bilo yar, laakiin waa toosin lagu hagayo damiirka hogaamineed oo looga baahan yahay inuu qirto qaladaadkiisa oo uu naftiisa ku eedeeyo tilaabooyinka waxyeelada ku ah hogaaminta wanaagsan iyo kalsoonida taageerada shacabka oo cabashooyin xoogan gaabis ku keeneysa wada shaqeynta madaxda wax hogaamineysa iyo shacabka la hogaaminayo.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka shacabka deegaanada Koofur Galbeed waxey xogogaal u yihiin dhagarta ka dambeysa dilka dulmane dable Axmed Caydiid oo uu qisaasay Madaxweyne HSM isagoo adeegsanaya qowsaar baariya sida Col. Liibaan Cali Yarow, taas oo lagu doonayo magaca KG in gaboodfalo fara badan lagu geysto, iyadoo la iska dhigayo in loo daneynayo shacabka KG oo cabashadoodii la tixgeliyey. Balse dadka aan indheer garadka ahayn aysan ku baraarugsaneyn khatarta ka dambeysa ujeedooyinkaas ee lala damacsan yahay in isla shaqsiyaadkaas xun loo adeegsan doono waxyeeleynta dad badan oo ka soo jeeda KG, gaar ahaan kuwa saluugsan habdhaqanka madaxda dowladda dhexe.

Dadka masuuliyiinta ah ee KG waxa ay ogsoon yihiin in dilka marxuum Siraaji uu ahaa dil kama ah, sidaas daradeedna uusan dilkiisu waafaq saneyn shareecada Islaamka, qaanuunka dowladda, iyo xeerarka caalamka. Reer Kg waa ay ka dheregsan yihiin in dilka dulmane dable Axmed Caydiid aysan haba yaraatee ayeysan ka heleyn wax faa’iido ah oo aan ahayn in si foolxun magacoodii loo adeegsadey, lagana dhigay dad aan xeer, xigaalo, iyo dhaqan gobeed aan lahayn. Ka sokow magacdilka loo geystey reer KG, waxaa u sii dheer godob ay xisaabteedu meel u taalo oo noqoneysa mid mahadho ah oo sooyaalka dhow xiriirka wada noolaashaha saameyn weyn ku yeelaneysa.

Haddii aan laga hortegin oo aysan labada shacab ee wiilashooda la isugu aaray aysan si wadajira uga hortegin mu’aamaraadka magacyadooda midana loogu abaal sheeganayo mida kalana lagu waxyeeleynayo, waxaa la arki doonaa in habdhaqankaas fooshaxun uu horseedo in Madaxweyne HSM uu noqdo kelitaliye aan xukunka ka dhicin oo ay qowsaaradiisa ah adoomaha hebedka u ah ay maleegan dilal qorsheysan oo lagu fuliyo indheergaradka, culimada, aqoonyahanka, odeyaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidanka. Sababta ugu weyn ee Madaxweyne HSM uu ugu dhiiradey dilka Dulmane dable Axmed Caydiid waxey tahay inuu taageero xoog leh uu uga helo masuuliyiinta KG iney ku garab siiyaan mustaqbalka dhow sal u dhigida xukun kelitalisnimo.

Waxaan kula talinayaa shacabka Soomaaliyeed ineysan ku mariin habaabin ficilada loogu sawirayo xukunka shacabka lagu kala irdheynayo oo qeyb ka mida shacabka Soomaaliyeed loogu muujinayo beerdulucsi siyaasadeedsan, qeybo kalana banaanka lagu dhigayo, taas oo haddii aan la wada fahmin horseedi doonta naceyb iyo cadowtooyo bulshooyinka Soomaaliyeed la kala dhex dhigo, taas oo sabab u noqota in dadka wax ma garatadaa ay waxyeeleeyaan nolosh dad aan waxba galabsan iyo xumeynta xiriirka wada noolaashaha bulshooyinka walaalaha ah oo degaanada dalka ku wada nool. Haddii aan laga wada hortegin qorshahaas, kuma ekaananeyso oo keliya isku xasareynta laba bulsho, balse waxey noqoneysaa tijaabo bilaabatay oo bulshooyinka mid mid la isga horkeeno.

Madaxda iyo masuuliyiinta reer KG ha gartaan danaha laga leeyahay in wasiir laga dhigo Roobow oo soo xasuuqay shacab fara badan, soo celinta Col. Libaan Cali Yarrow oo horay shaqada looga cirdeeyey musuq maasuq iyo caadifad qabyaladeed, iyo ugu dambeyn waxa gabarta loo siiyey wasiir Tiktok. Waxgaradka indheer garadka ah oo ujeedooyinkaas wax badan ka fahmey, uma maleynayo in lagu qaldi karo beerlaxawsi dad kale dartood loogu waxyeeleynayo. Waxaa jidka ku soo jira in reer KG la isku adeegsado oo dadkii la geliyey iney u riyaaqaan oo taageeraan, sida ay ahaydna u qaatay qorshihii dulmiga ee loogu abaal sheeganayey dadkooda, ayaa isla beerlaxawsigaas mid la mida loogu adeegsanayaa la soo wareegida awooda maamulka KG.

KG maamulkeeda waxey u dhimaneysaa tirada badan ee xildhibaanadeeda, taas oo madaxweyne kasta oo kelitalisa uu ku doonayo xeelad uu hogaaminteeda kula wareego, sida uu horay u sameeyey maamulkii Farmaajo, taas oo inta badan lagama maarmaan ka dhigta dhiig badan oo ku data si loo sameeyo afgembiga maamulka KG. Kelitaliye aan maslaxada ummadda ka fekereyn oo ay u cadahay keliya sidii uu kursiga madaxweynaha dib ugu soo noqn lahaa, lagama yaabo inuu la yimaado xeelad siyaasadeed oo nabad ku dhisan, balse waxaa meel u taala qiyaano uu dadka walaalaha ah ku kala dilo, kadibna xoog ku muquuniyo inta dhiman oo aan u noqon adoon qowsaara oo baari u ah damaciisa kelitalisnimo.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -