Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Daah-furay Shirka dib u eegista Dakhliga guud (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowladda Puntland.

Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, waxaana ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, waxaana lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyay oo lagu fuliyo dhismaha Wadooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda horumarin.

https://www.youtube.com/watch?v=7BY8tm2MdkM&t=159s

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland (Wareegto)

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Qardho

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay khilaaf ka dhex aloosan Xiriirka K/Cagta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---