Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka oo is casilay & Xog ku aadan sababta

Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey wasaaraddaasi.

Warqadda is casilaadda Xoghayaha ayuu ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda maareynta Musiibooyinka iyo xukuumadda, taasoo keentay inuu xilka ka tago.

Faahfaahin kama bixin xoghayaha nooca duruufaha adag ee uu ku sheegay warqadda is casilaadda, laakiin xog la helay ayaa sheegeysa n is casilaadda ay la xiriirto kiis dhowaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa agaasimihii Waaxda dib u dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi ka dib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay xatooyo xoolo dadweyne.

Lama oga in kiiska musuqa ee loo heyso agaasime waaxeedka uu saameyn ku yeelan doono xoghayaha xilka iska casilay iyo in kale balse arrimahan ayaa qeyb ka ah xaalado ka dhashay howlgal cusub oo dowladu sheegtay iney kula dagaalameyso musuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -