Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo Dagaal culus ay la socdaan Duqeymo kula wareegay Deegaanka Caad

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya ciidanka daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa goordhaw dagaal kula wareegay deegaanka Caad oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka dowladda ayaa duullaan dhoor jiho ah ku qaaday deegaanka Caad ay ku sugnaayeen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la isku dhigtay.

Dagaalka ayaa wararka aan helnay sheegayaan in uu barbar socday duqeymo ay diyaarado dagaal ay la beegsanayeen fariisimaha Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada huwanta hoggaamineysa ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Caad, waxa ayna saraakiisha xuseen in ay kudaba jiraan firxadka xubnihii Al Shabaab ee deegaanka laga saaray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd saldhigga ugu weyn ee Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo arrin culus ku wargeliyey Taliyaha Sector five ee Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil aad looga naxay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo diiday dalabyo ay hordhigeen Xildhibaanada Daarood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---