Dil aad looga naxay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa caawa si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho marxuumad Safiyo C/raxmaan Faatax oo aheyd Aqoonyahanad Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd bahda Waxbarashada dalka.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay la socotay marxuumada oo xilligaas mareysay wadada Buula-xuubey ee degmada Wadajir.

Dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray rasaasta ayay ugu geeriyootay Isbitaalka Somali Sudanese ee Magaalada Muqdisho oo loola cararay.

Marxuumad Safiyo waxay aheyd Macalimad wax ka dhegta dugsiga Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho iyadoo aheyd aqoonyahanad baratay Ganacsiga kana qelin jebisay Jaamacadda Salaama.

Xubno ka tirsan eheladeeda ayaa sheegay in Safiyo ay aheyd gabadha reerka u weyn, ayna gacanta ku heysay hooyadeed oo xanuunsan, waxayna dowlada Somalia ka codsadeen in la soo xiro Cadaaladana la mariyo gacan ku dhiiglihii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah.

Dilka loo geystay marxuumad Safiyo C/raxmaan Faatax ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyskeeda, bahda waxbarashada iyo asxaabteeda, iyadoo caawa si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -