Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo xariga ka jaray dhismo qurux badan oo loo dhisay wasaarrada …

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray xarunta cusub ee wasaarrada caafimaadka iyo gurmadka deg dega ah ee maamulka Jubbaland.

Munaasabadda xarig jarka oo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta kala duwan oo katirsan maamulka Jubbaland iyo shaqaalaha wasaarada caafimaadka ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Waa weyn ee wasaaradu u hayso shacabka.

Qarashka ku baxay dhismaha xaruntan cusub ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland waxaa gacan weyn ka geesatay maamulka Jubbaland, waxa uuna mashruucan qeyb ka ahaa dhismayaal loo sameenayo wasaarrada maamulka qaarkood.

Wasaarada caafimaadka ayaa Jubbaland ayaa kamid ah wasaarradaha ugu shaqada badan maamulkaasi, waxaana wasaarradan ka shaqeeya shaqaalo kala duwan oon horey u heysan xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerarada Xuutiyiinta oo laf dhuun gashay ku noqday Israel

Caydiid Ali

Maqaamka iyo matelaada Muqdisho oo la raadinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo) Xog cusub: Rooble & Cumar Filish oo raadinaya Hawiye miisaan & Magac leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---