Cali Guudlaawe oo arrin culus ku wargeliyey Taliyaha Sector five ee Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan kula qaatay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe Taliyaha sector five ee Ciidamada ATMIS

Cali Guudlaawe ayaa Taliyaha faray iney u diyaar garoobaan howlgalo ka dhan ah al-shabaab oo ka bilaabanaya gobolka Sh/dhexe.

Kulankan oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Balcad ayaa sidoo looga hadlay  amaanka guud ee Hirshabelle, dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo Alshabaab iyo sidii degdeg looga howlgali lahaa xoreynta deegaanada ay haysato kooxdan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay ciidamada Qalabka sida iyo shacabka deegaanada Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay in deegaanadooda ay ka xureeyaan kooxaha argagixisada cadowga ah sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -