Wiilkii Ciidanka Dowladda ku hor dileen Hooyadiis oon wali la aasin iyo Ehelkiisa oo Caddaalad dalbanaya

Subaxnimadii Sabtida isgooska Howlwadaag ee Muqdisho askari katirsan ciidanka dowladda ayaa dil arxan darro ah ugu geestay Maxamed Cabdisalaan Cali ( Xeyle) oo ahaa wade mooto bajaaj, waxaana xilliga la dilayay marxuumka mootada la saarnaa hooyadiis iyo walaashiis.

Ciidamada booliiska ayaa dilka kaddib soo xiray afar askari oo isugu jira booliis iyo nabad sugid ku sugnaa isgooska Howlwadaag xilliga dilku dhacayay, walina booliiska ma cadeen ninka rasmiga ah ee dilka u geestay marxuum Maxamed Xeyle.

Xogta aan helnay ayaana sheegeysa in askarta xiran ay diidan yihiin in iyagu dilka iyagu geesteen, waxa ayna qarinayaan in ay sheegaan qofka dilka la geestay oo la tuhmayo in midkood yahay.

Hooyada dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Maryan Nuur oo tan iyo markii la dilay wiilkeeda aan hurdo ladin ayaa codsatay in la cadeeyo ninka dilay wiilkeeda loona marsiiyo caddaalad, waxa ayna hooyada diidan tahay in wiilkeeda la aaso iyada oon caddaalad loo helin lana cadeyn askarigii dilay.

Taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo qoyska wiilka la dilay kula  kulmay isbitaalka Digfeer ayaa ka codsaday in meydka la aaso, waxa uuna taliyaha sheegay in uu soo cadeyn doono askariga dilka geestay ama afarta askari loo xukumi doono kiiskaasi.

Ehelada marxuumka oo lagu cadaadinayo in la aaso marxuumka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn hadalka taliyaha, waxa ayna cadeeyeen in warka taliyaha u muuqdo in wali la qarinayo in la shaaciyo gacankudhiiglaha rasmiga ah ee dilka geestay.

Qoyska ayaana ka codsaday madaxda sare ee dowladda in caddaalad u helaan wiilkooda sida gardarada ahaa loo dilay , waxa ayna sheegeen in aysan ku qanci doonin diyo iyo wax lamid ah ayna rabaan in loo ciqaabo askarigii dilka geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -