Wasiir Arrimo Dibadeed caan ah oo geeriyooday xilli uu shir ka qeyb geli rabay

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Gabon, Michael Moussa Adamo ayaa geeriyooday shalay oo jimco ah, xilli uu ku sugnaa xarunta golaha wasiiradda uu ka furmi laha shirka golaha wasiirrada .

Wakaaladda wararka AFP ayaa baahisay in wasiirka xanuun kusoo booday isaga oo fadhiya qolka nasiinada uu ku sugayay furitaanka shirka, waxaana wasiirka oo loola cararay isbitaal milatari halkaasi uu markii dambe ku geeriyooday.

Wasiirka ayaa la sheegay xilli uu la fadhiyay wasiirro kale uu dareemay wadno xanuun, waxa uuna saaxiibadiis ka dalbaday in isbitaal la geeyo , iyadoona saacado kaddib soo yeertay geerida wasiirka.

Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Omar Bongo Ondimba ayaa sheegay in geerida wasiirka arrimaha dibadda saameyn ku yeelatay dalkiisa, waxa uuna xusay in nin weyn oo qaali ku ahaa dalkiisa iyo dadkiisa waayeen, waxa uuna tacsi u diray qoyskii uu ka baxay wasiirka.

Wasiirka geeriyooday oo soo noqday wariye ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaasi, waxa uuna wasiirka hadda kamid ahaa ragga ugu dhaw dhaw madaxweynaha haya talada dalka Gabon, Ali Omar Bongo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -