Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed-bax lagu taageerayey metelaada G/Banaadir oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay banaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibed-baxan oo lagu taageerayey qaraarkii metelaada gobolka Banaadir ee uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, masuuliyiin fara badan oo iskugu jiray, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish oo ka hadlay banaanbaxa ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Farmaajo ansixinta metelaada gobolka Banaadir oo uu sheegay iney tahay mid muddo dheer maqneyd oo la sugayey.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid ahaa Daahir Amiin Jeesow oo digniin ka bixiyey in laga hor yimaado metelaada ay heleen shacabka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Aqalka Sare oo Guddi u saaray Weerarkii lagu galay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid

Caydiid Ali

Cali Dheere oo tababar u xiray boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kuna hanjabay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Congresska Maraykanka oo xil cusub u Magacaabay Xildhibaanad Ilhan Cumar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---