Allbanaadir.com
NEWS

Col. Cismaan Abshir (Kabayare) oo ku dhintay qarax ka dhacay Buuraha Galgala

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Col. Cismaan Abshir (Kabayare).

Taliyaha ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaasoo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin kana wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Qaraxa ayaa haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland.

Laamaha ammaanka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eric Zemmour oo ugu baaqay Muslimiinta kunool Faransa in ay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta

Cabdi Cade

Laftagareen iyo Wasiir C/qaadir oo labo ujeedo u tagay degmada Diinsoor (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo baaq Wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---