Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiishii xureesay Xarardheere (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa wali ku sugan Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo dhawwaan laga saaray dagaalyahanadii Al Shabaab ee sannadaha badan maamulayay.

Qoor Qoor ayaa ayaa shir gudoomiyay kulan xasaasi ahaa  oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta amniga degmada Xarardheere iyo xoraynta deegaanada kale ee Al Shabaab ka joogaan Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga JFS C/qaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka degmada Xarardheere iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan .

Madaxweynaha Galmudug QoorQoor ayaa xog dhameystiran ka dhageystay saraakiisha amniga degmada iyo qorshayaasha ka socda ee ku aadan dagaalka  Al Shabaab looga sifaynaayo meelaha ay u firxadeen ee dhulka howdka iyo bacadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Muqdisho kasii sagootiyay Ciidamadii Badbaado Qaran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo deg deg ah kormeerna ku tagay xarunta NISA (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliye Ciidan iyo Guddoomiye hore oo qarax lagu dilay iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---