Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Carro xooggan oo ka dhalatay dilkaasi

Waxaa goordhaw isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ka dhacay dil loo geestay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto bajaaj, waxaana wiilkaasi dil u geestay askari katirsan ciidanka dowladda.

Meydka wiilka lagu dilay isgooska Howlwadaag ayaa halkaasi yaallay daqiiqado badan, waxa ayna diideen dhallinyaro u badnaa kuwa wada mooto bajaajta diideen in meydka halkaasi laga qaado iyada oon lasoo qaban askarigii dilka geestay.

Wali lama oga sababta keentay dilka wiilkan loogu geestay isgooska Howlwadaag, waxaana wiilka la dilay la sheegay in xilliga dilku dhacayay ay la socdeen xubno katirsan qoyskiisa oo mootada saarnaa.

Dilkan loo geestay wiilka dhallinyarada ah ayaa dhaliyay carro xooggan, waxaana goobta dilku ka dhacay isugu tagay oo xiray dhallinyaro badan, kuwaa oo ka dalbanayay dowladda in caddaaladda la horgeeyo askariga dilka geestay.

Ciidamada dowladda ee dilalka u geesanaya dadka shacabka ayaa sii kordhaya, waxaana maalmo kahor askar katirsan ciidanka dowladda dilal ugu geesteen degmooyinka Balcad iyo Xamar Weyne dad shacab ah, askartii dilalkaasi geesatay ayaana la dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -