Maraykanka oo baahiyey Warbixin sir ah oo ku saabsan walxo duula oo la garan waayey

Dawladda Maraykanka ayaa warbixin cusub oo ay sii daysay ku sheegtay inay diiwaangeliyeen illaa 510 dhacdo oo ku saabsan walxaha duula ee aan la aqoonsan, kuwaas oo intooda badan lagu arkay iyaga oo duulaya ‘goobaha xasaasiga ah ee ay ciidamada milaterigu kor-joogteeyaan’.

Inkasta oo aan illaa haatan la hayn caddayn buuxda oo ku aaddan in walxahani ay ka yimaadeen meel ka baxsan dhulkan aan ku noolahay, haddana duulimaadyadan aan la aqoonsan ayaa ah halis weyn oo jirta, sida lagu sheegay warbixin hore sir u ahayd, hase ahaatee haatan la baahiyey.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sannadkii hore waxay fureen xafiis gaar ah oo ururiya isla markaana falanqeeya dhammaan warbixinada la xidhiidha walxaha duula ee aan la aqoonsan, kuwaas oo intooda badan ay soo sheegeen duuliyayaasha milateriga ahi. Xafiiskan ay furtay wasaaradda gaashaandhigu ayaa la shaqeeya hay’adaha sirdoonka si loo qiimeeyo dhacdooyinkaas la soo sheego.

Xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Maraykanka ayaa warbixintiisii sannadka 2022 wuxuu ku sheegay in dhacdooyinka la diiwaangeliyey “ay noqdeen kuwo marar kala duwan lagu arko goobaha duulimaadyada hawada ee xadidan ama xasaasiga ah, taasoo kor u qaaday walaaca dhinaca bedqabka iyo badbaadada ee duulimaadyada ama dhaqdhaqaaqyada ay samayn karaan cadawgu”.

Nuqulka sirta ah ee warbixintan ayaa faahfaahinaya, tirada walxaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay goobaha ay ku yaalla wershedaha nukliyeerka ee Maraykanku ama goobaha lagu kaydiyo hubka nukliyeerka.

510-ka shay ee la diiwaangeliyey ayaa isugu jira 144 walxo duula oo aan la aqoonsan hase ahaatee hore loo diiwaangeliyey loona sheegay iyo 366 warbixinood oo ku saabsan walxo duula oo cusub oo aan hore loo shaacin.

Hase ahaatee falanqayn lagu sameeyey labada noocba, waxaa la isla gartay in intooda badani ay leeyihiin “sifooyin aan la arki karin” waxaana lagu soo dhoweyn karaa sida nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kale ama walxo u eg buufin ayaa lagu yidhi warbixinta.

Shaqada xafiiska u xilsaaran la socodka walxaha duula ee aan la aqoonsan ayay ka mid tahay inuu soo sheego dhaqdhaqaaq kasta ama warbixinta shay kasta oo muujin kara in cadawgu horumariyey tiknoolojiyad cusub ama karti dheeraada.

VOA/AP

- Advertisement -