Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Maxamed Aadan oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay fasiraad cusubna bixiyay

Hadal lagasoo xigtay Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif oo ahaa in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, ayuu beeniyay waxa uuna sheegay in hadal uusan dhihin loo tiiriyey.

Bayaan uu soo saaray Barasaabku ayuu ku sheegay in hadalkaas hore si qaldan loo fasiray isla markaana ula jeedadiisu aysan ahayn in Al-shabaab gacanta ku hayso boqolkiiba lixdan ismaamulka Mandheera balse uu sheegay in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu kordhay boqolkiiba lixdan.

“Waxaan arkay in hadalkaygii ku aadanaa joogitaanka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo kenya ee Mandheera si qaldan ay warbaahintu u dhigtay,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Barasaabka Mandheera.

“Xilligii shirka Waxaan si cad u qeexay in joogitaanka iyo muuqashada Al-shabaab ay 60% ka badan tahay,” ayuu yiri.

“Nasiib darro warbaahinta ayaa si qaldan u dhigtay hadalka, iyaga oo ku doodaya in aan idhi ” Al-shabaab ayaa 60% gacanta ku haya Mandheera. Tani waa been abuur gebi ahaanba,” ayuu sii raaciyey bayaankiisa Barasaab Maxamed.

Barsaabka ayaa si gooni ah u magac dhabey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka kenya, waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in uusan gabi ahaanba sheegin wax qiyaas ah oo ku aaddan inta ay gacanta ku hayaan Al-shabaab oo ismaamulka Mandhera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maxaa fashiliyey weerarkii maanta Al-Shabaab ku qaadeen Villa Somalia? (Xog Muhiim ah)

Caydiid Ali

Oday Shaqo Muhiim ah Al Shabaab uga hayay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade