Dab weyn oo caawa qabsaday garaash ku yaalla Muqdisho & khasaare ka dhashay (Daawo Sawirro)

Dab aad u xooggan ayaa caawa fiidnimadii qabsaday garaash Ganacsi oo ku yaalla agagaarka Hotelka Towfiiq degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Garaashkan oo lagu iibiyo Qalabka Dhismaha ayaa ku yaalla Dhabarka dambe ee Hotelka Towfiiq, waxaana dabka qabsaday garaashka sii xoojiyey dabeylo ka jira Muqdisho iyo alwaax badan oo garaashkan tubnaa.

Lama oga ilaa hadda sababta dhalisay dabkan inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ka dhashay cilad Koronto.

Dadka degaanka  oo ka cabsi qabay in dabkan uu ku soo faafo guryahooda ayaa waday dedaalo ay ku doonayaan iney ku demiyaan iyagoo isticmaalayey biyo baaldiyo lagu soo dhaamiyey iyo ciid inkastoo dabku aad u xoog badnaa.

Gaadiidka dab demiska Maamulka gobolka Banaadir oo markii dambe gaaray goobtaas ayaa ku guuleystay iney xakameeyaan dabkaas oo aan la soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay balse sababay khasaare maaliyadeed oo badan.

Isla Caawa dab kale ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya, waxaana socda dedaalo lagu daminayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -