Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Halgan iyo Sargaal Ciidan oo lagu dilay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada  Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay aroortii hore  halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray fariisin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen magaalada Halgan ee katirsan gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa lagu dilay taliye kuxigeenkii C.I.D-da ee magaalada Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac, waxaa sidoo kale jira khasaaro soo gaaray ciidankii joogay xerada iyo dad shacab ah.

Sargaalkan qaraxa lagu dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha qeybta weyn ku lahaa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana sargaalkan la sheegay in shaqadii uu Baledweyne ka hayay uga soo tagay dagaalka Al Shabaab darteed.

Al Shabaab ayaa bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay ka fulineyso degmooyinka gobolka Hiiraan, maalin kahor ayaana labo qarax oo ismiidaamin ah waxa ay ka geesteen degmooyinka Buula Burte iyo Jalalaqsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -