Xasan Sheekh oo Digniin iyo talo hawada usoo mariyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Madaxweynaha la caleema saarayo ee Sheekh Axmed Madoobe, waxa uuna kula taliyay Madaxweynaha Jubbaland in uu la heshiiyo dadka kasoo horjeeda kana shaqeeyaan wadajirka.

Waxa uu sidoo kale Xasan Sheekh ka hadlay hadal heynta ku aadan in Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ay qorsheeneyso mudo kororsi , isagoona talaabadaasi uga digay Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali fursad heesto ayna ku harsan tahay 15-bil, waxa uuna uga digay in uu isku dayo in mudo kororsi dheeraad ah sameeyo.

”Waxaan leeyahay Farmaajo wali fursad ayaad heesataa, waxaa kuu haray 15-bil aad wax badan ku qaban karto ka faa’iideeso, xilkaaga waxa uu ku egyahay 7-Febraayo 2021-ka, mudadaas kahor xil laguguma heesto adaa ka madaxweyne ah ” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in marar badan la taliyeen Madaxweyne Farmaajo ayna sii wadi doonaan la talintiisa, waxa uuna sheegay in jahwareerka siyaasadeed laga dhaxli karo cawaaqib xumo.

”Farmaajo marar badan ayaan la talinay waxna u sheegnay, waan sii wadeynaa wax u sheegida kamana daaleyno, Madaxweyne ka faa’iideeso fursada aad wali heesato iyo dadka ku garab taagan ” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay faragalinta dowlada ku heyso doorashada Galmudug, waxa uuna kasoo horjeestay guddiga doorashooyinka ay dowlada magacawday uu sheegay in ay ku jiraan shaqaalaha rayidka iyo agaasimayaal.

Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ay maanta ka qeyb galeen madax kala duwan ayaa inta badan masuuliyiintii iyo dadkii kale ee la hadlay weerar afka ah ku qaadayeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -