Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada ee dalkiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga Jabuuti.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay taageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa markiisa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada tariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen taageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowlada Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada horumarka iyo amniga iyo qodobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -