Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland oo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Deni

Wasiirkii hore ee Maaliyada dowlad goboleedka Puntland Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dhibaato iyo caburin uu sheegay in maamulka Somaliland uu ku hayo shacabka magaalada Laascaanood.

Xassan Shire Abgaal ayaa tacsi u diray dadka waxyeeladu ka soo gaartay rasaastii ciidamada Somaliland ku fureen shacabka ka dibed baxayey amni darada, isagoo dhinaca kale saaxiibkiis hore Madaxweyne Deni ku eedeeyey inuusan ka damqan kana hadlin dhibaatada halkaas ka dhacday.

Qoraal uu arintaas kaga hadlay Xassan shire abgaal ayaa sidan u qornaa..

Ugu horrayn waxaan dareenka la qaybsanayaa shacabka kunool magaalada Laascaanood iyo guuda ahaan gobolka Sool oo ciidanka Somaliland rasaas nool nool la dhacayeen muddo saddex casho ah oo ay cabirayeen dareenkooda ku aadan dilalka aan cid loo qaban ee hal-doorkooda.

Waxaa nasiib xumo ah in madaxweynaha dowladda Puntland uusan weli ka hadlin dareenkiisa iyo qorshaha xukuumaddiisa ee ku aaddan xaaladda Laascaanood, xittaa aan lagu soo qaadin shirkii madasha wadatashiga Qaran si lamid ah arrinta Baydhabo.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka reer Puntland inay garab istagan walaalohooda xaaladda adag kujira, si ay uga gudbaan marxaladdaan adag, waxaanna Alle uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo intii ku dhimatayna Janatul Fardawsa ka waraabiyo ehelkoodana samir iyo Iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu raadinayo Ra’isul Wasaare aan nuuciisa la arkeyn !!

Cabdi Cade

Taliyihii Booliska gobolka Cayn ee Puntland oo la xiray & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Weerar lagu qaaday Hotelka Intercontinental ee kuyaala magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---