(Daawo Sawirro) Deni oo arrimo uu damacsan yahay kala hadlay Ms. Kiki Gbeho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hadda ah Ku-simaha xilka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Kiki Gbeho.

Waxaa Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland sida Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya iyadoo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo madlanyahay 05 January 2023.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb galay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ugu dhamaaday Muqdisho, kaasoo laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban shan qodob oo labo ka mid ah qodobada uu ka biyo diiday.

Deni ayaan sidoo kale ka qeyb gelin soo dhoweynta iyo xafladaha loo sameynayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Geelle oo booqasho ku yimid Muqdisho, iyadoo saaxiibadiis madaxda kale ee dowlad goboleedyada ay soo dhoweryntaas ka dhex muuqdeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -