Somaliland oo jawaab adag ka bixisay diidmada DF ka muujisay shidaalka laga baarayo

Somaliland ayaa ka jawaab kulul ka bixisay talaabadii dowlada Soomaaliya isku hor taagtay shidaalka shirkadda Genel Energy ka baareyso Somaliland

Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo War saxaafadeed soo saartay ayaa lagu xusay in Somaliland ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraadkeeda, aysana jirin cid ay arrintaas u daba fariisanyaan.

“Shacabka Somaliland nidaam dimoquraadi ah ayay dowladooda ugu dhiibteen masuuliyada horumarinta iyo ilaalinta khayraadkooda dabiiciga ah ” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Somaliland waxay sheegay in ujeedka shidaalka loo qodayaa ay tahay in kor loo qaado xaalada nololeed ee shacabka, dhaqaalahana la kobciyo, isla markaana ay xukuumadu sharci u haysato inay la heshiiso maalgashadayaal shisheeye oo arrintaas ka caawiya

“Ma jirto cid aan xukuumada Somaliland ahayn, oo awood u leh in ay baarto ama cid kale sharciyad u siiso baarista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka” ayaa sidoo kale War-saxaafadeedka lagu yiri

Somaliland waxay sheegtay iney sii wadayso wada-shaqaynta  ay la leedahay shirkadaha shidaalka sida Genel Energy, aysana jirin Somaliland arrintaas ka hor joogsan karta.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u digtay shirkad la sheegay in ay dooneyso in shidaal baaris sharci darro ah kaga sameeso deegaannada maamulka Somaliland.

Qoraal shalay kasoo baxay wasaaradda Batroolka ayaa lagu sheegay in si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya; ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada ruqsadada been abuurka ah iyo baarista sharci darrada ah ay qorsheeneyso.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND OO ENGLISH AH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -