Taliyihii Booliska gobolka Cayn ee Puntland oo la xiray & sababta ka dambeysa

Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Cayn ee Maamulka Puntland ayaa manta la dhigay xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas ka dib amar ka soo baxay taliska guud ee Booliska Puntland.

Sida wararku sheegayaan G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu) ayaa la xiray ka dib markii sida la sheegay uu diiday amar ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland, kaasoo ahaa inuu Isbedel ku sameeyo Taliska Booliska Gobolka Cayn ee Puntland.

Sidoo kale taliyaha ayaa lagu eedeeyey inuu hor yimid go’aan shaqada loola eryayo Ciidamo ka tirsan Booliska gobolkaas, kuwaasoo la sheegay iney gudan waayeen waajibaadkooda shaqo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Cayn ee dowlad Goboleedka Puntland oo ay uga hadlayan xariga Taliyihii Booliska Gobolkaas G/sare Ibraahim Cabdi Balayax oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Booliska Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -