Daawo Sawirada: Weerar lagu qaaday Hotelka Intercontinental ee kuyaala magaalada …

Kooxo Islaamiyiin aad u hubeesan ayaa xalay weerar xoogan ku galay dhismaha Hotel weyn oo nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Kaabul ee Caasimada dalka Afgaanistan.

Hotelkan weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabo Intercontinental  ayaa ahaa Hotel weyn oo lagu raaxeesto, waxaana inta badan degi jiray dadka ajaaniibta ah ee magaalada Kabul ku sugan.

Ciidamada amaanka ayaa saacado badan kadib ku guleestay in ay soo afjaraan weerarka Hotelka lagu galay, waxa ayna cidamada dileen inta badan ragii weerarka ku galay dhismaha Hotelka.

Wasaarada Amniga gudaha dalka Afgaanistan ayaa sheegaty in weerrakaasi lagu dilay shan qof oo Dhismaha Hotelka ku sugnaa halka lagu dhaawacay 6-qof oo kale, waxaana wararka qaar sheegayaan in Khasaaraha uu intaan ka badan yahay.

Hotelka Intercontinental ayaa kamid ah hoteelada ugu caansan Afgaanistan, waxa uuna ahaa Hotelkan mid si weyn loo ilaaliyo oo lahaa Koontaroolo laga soo galo ayna joogaan ciidamo, waxaana la isweediinayaa sida dhismaha kusoo galeen dableyda hubeesan.

Weerar dhoor sano kahor sidan oo kale loogu qaaday Hotelkan ayaa lagu dilay dad badan oo isugu jiray kuwa u dhashay Afgaanistan iyo Ajaaniib, walina ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan cusub ee lagu qaaday Hotelka Intercontinental.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -